U bood dhigaalka

Xisbiga Wadani Ee Somaliland Oo Ku Baaqay Mudaaharaad Ka Dhaca Deegaanada Somaliland

Sheeko:Dalka

Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, kana dhisan Somaliland ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa in ay isugu soo baxaan dibadbaxyo nabadeed, kaasi oo ka dhan ah in muddo kordhin ka badan Sanad loo sameeyo xukuumadda uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo.

Gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in go’aanka xisbiga Wadani isla qaatay uu yahay in maalinta berri oo Isniin ah uu Mudaaharaad ka dhici doono dhammaan deegaanada maamulka Somaliland.

“Dhammaan Shacabka Somaliland, dhammaan taageerayaasha xisbiga Wadani meel walba oo ay joogaan, waxaan ugu baaqaynaa in go’aanka xisbiga Wadani isla qaatay ay tahay in Berri oo Isniin ah, Mudaaharaad Salmi ah uu ka dhici doono dhammaan gobalada dalka, iyo magaalada Hargeysa, kaasi oo aynu ku cabirayno dareenka xisbiga, kaasi oo aan ku diidannahay go’aankii guddiga Doorashooyinka, Seddaxda Xisbi Qaran, iyo Beesha caalamka ay isla qaateen aynu ku heshiinay, la wada saxiixay, xukuumadduna qeyb ka ahayd, ayna rabaan dad kooban oo Madaxtooyada kasoo baxaan iyo in yar oo kooban oo golaha guurtida ka mid ah in ay joojiyaan geeddi socodka doorashada Somaliland, iyaga oo dano gaar ah ka leh, waxaan ugu baaqayaa Golaha guurtida, xukuumadda inta maskaxdooda caafimaad qabta, iyo shacabka doonaya in doorashooyinka sidooda u dhacaan in berri aynu dhigi doonno mudaaharaad Salmi ah, waxaanu amreenaa taliyeyaasha ciidamada Booliiska iyo Milatariga in amniga dadkaasi ay sugaan” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Wadani.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in warqadda dalabaadka ee qabashada Mudaaharaadkaan ay u gudbiyeen wasaaradda arimaha gudaha maamulka Somaliland hase ahaatee aysan wax jawaab helin, isaga oo ku celiceliyay in Mudaaharaadka ay maalinta beri ah dhigi doonaan.

Maamulka Somaliland kama aysan hadal baaqaan kasoo yeeray Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani, hase ahaatee dad badan ayaa ka baqaya in maalinta beri ah ay rabshado ka dhacaan halkaasi.

Goobjoog News