U bood dhigaalka

Xisbiga Waddani oo Siyaasaddiisa Lagu Tilmaamay Mid U janjeerta Dhanka Somaliweyn

Sheeko:Dalka

Siyaasi Maxamuud Raage oo ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye horeyna u soo noqday xoghayaha siyaasadda xisbiga Waddani, ayaa xisbigii uu horey uga tirsanaa ee Waddani ku tilmaamay in siyaasaddiisu u janjeerto dhanka Somaliweyn.

Siyaasigan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu eedayn u jeediyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, isagoo tusaale u soo qaatay Pro. Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhawaan ku biiray xisbiga Waddani, horeyna u aaminsanaa mabda’ Somaliweyn.

Maxamed Raage waxuu  siyaasi Buubaa ku tilmaamay inuu yahay  mid geed kasta u fuulay sidii uu Somaliland maamul ahaan u hoos gayn lahaa  Somaliya, waxaanuu yiri, ”Anigu waxaan ogaa shir jaraa’id oo uu Buubaa ku qabtay 2005  dalka Imaaraatka  waqtigaasi oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dawladdii Cabdilaahi Yuusuf Axmed,  waxa uu si faahfaahsan u sheegay  in Somaliland ay mar un hoos imaan doono calanka  Soomaaliya taasina waxay khiyaano ku tahay inuu maanta yiraahdo Somaliland ayaan  ka qabanayaa xil”, ayuu yiri siyaasi Raage.

Geesta kale, Maxamed Raage waxa uu ku dhaliilay xisbiga Waddani ineysan lahayn siyaasad cad oo ku aaddan mustaqbalka dambe ee Somaliland hagideeda  taasna waxa uu ku tilmaamay iney go’doon siyaasadeed Somaliland gelin karto meeshana ay ka bixi karto rabitaanka shacabka Somaliland oo ku tilmaamay inuu yahay madax banaani.

Maxamed Raage oo a ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa horey  iskaga casilay xilka agaasimaha  guud ee maaliyadda waxaanu intaasi ka dib ku biiray xisbiga Waddani oo ah kan uu hadda dhaliilayo isaga oo mar kale sheegay inuu ka baxay oo sidaasina uu uga miq noqday golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo uu hadda afkiisa ku hadlayo.

Waxa jira siyaasiyiin badan oo xilal ka qabtay dawladda Soomaaliya oo qaarkood dib ugu laabta Somaliland, marka ay ka dhamaato waqtiga xil hayntooda,  waxayna badankoodu sheegaan iney ka soo noqdeen mabdi’ii hore ee ay aamin sanaayeen ee wada jirka Soomaaliya.

Goobjoog News