U bood dhigaalka

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Doorasho Waqtigeeda Laga Soo Hormarinayo

Sheeko:Dalka

Shir jaraa’id oo si wadajira ay maanta magaalada Hargeysa ugu qabteen xisbiyada mucaaradka ee kala ah Wadani iyo Ucid ayaa waxa ay ku dhawaaqeen doorasho waqtigeeda laga soo hormarinayo in ay ka dhacdo deegaanada maamulka Somaliland.

Labada xisbi ayaa waxa ay sheegeen in xalka maanta ay u arkaan in doorasho waqtigeeda laga soo hormarinayo ay ka dhacdo maamulkaasi sanadka 2020, waxa ayna doorashadan la soo hormarinayo ku sababeeyeen in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku fashilmay hogaaminta maamulkaasi.

“Labada xisbi qaran waxa ay xalka iyo badbaadinta Somaliland ee marxaladaan aan maanta ku jirno u arkaan in doorasho madaxtooyo oo xilligeeda laga soo hormariyo ka qabsoomto dalka sanadkan gudihiisa 2020, maadaama muuse ku fashilmay hogaaminta dalka” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta u akhrinayay bayaanka axsaabta mucaaradka.

Sidoo kale  xisbiyada mucaaradka ayaa Muuse Biixi waxa ay ku eedeeyeen in haatan uu cagta saaray wadadii kaligii talisnimada, iyaga oo dhinaca kale u jeediyay eed ah in uu burburiyay dimuquraadiyaddi curdunka ahayd, islamarkaana uu majaxaabiyay qaranimada iyo midnimada ummadda reer Soomaaliland.

“Waxaa muuqata in Muuse Biixi uu u xuubsiibtay kaligii taliye cagtana saaray wadadii horay loo eeday ee qeyrkii iyo jananadii dhagarta ku caanka ahaa ay mareen, waxaa muuqata in uu burburiyay dimuquraadiyadii curdunka ahayd ee la korinayay islamarkaana tacab fara badan ka galay shacabkan, waxaa muuqata in uu majaxaabiyay qaranimadii iyo midnimadii ummadda Soomaaliland oo maanta ku jirta jahwareer siyaasadeed” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi iyo Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland ayaa isku haya doorashada la filayo in ay ka dhacdo maamulkaasi, waxaana haatan soo baxaya khilaaf hor leh oo ku aadan doorashada maamulkaasi.

Goobjoog News