U bood dhigaalka

Xisbiyada Mucaaradka Somalinad oo War Ka Soo Saaray Doorashada

Sheeko:Dalka

Shir maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda Soomaaliland ay ku yeesheen labada xisbi mucaarad ee Ucid iyo Wadani ayaa looga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dhowaan la filaayo in ay ka dhacaan Soomaaliland.

kulanka kadib, labada xisbi waxaa ay soo saareen warqad ay ku sheegeen in ay ku tixraacayaan warqad horay siwadajir ah u soo saareen madaxweyne Muusa Biixi oo hoggaamiya xisbiga talada haye ee Kulmiye iyo laba xisbi mucaarad ee Ucid iyo Wadani.

Warqadda sedexda xisbi ay horey u soo wada saareen ayaa lagu magacaabay labo xubnood oo xisbiyada mucaradka ah ku matalaya guddiga doorashooyinka Soomaaliland dhawaan ka qabsoomi doona.

Goobjoog News