U bood dhigaalka

Xisbiyada Somaliland Oo Heshiis Ka Gaaray Saami Qeybsiga Kuraasta Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Saddexda xisbi ee Waddani ,  Kulmiye iyo Ucid ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa  waxay ku heshiiyeen in saamiga beel kasta ee Somaliland degta ay ka helayso kuraasta golaha wakiilada  uu ahaado xeerkii lagu galay doorashadii hore ee  2005.

Soo jeedintan ayaa u baahan in lagu qanciyo Madaxweyne Siilaanyo oo isagu doonaya in wax loo qeybsado qaab gobol.

kulan ay saddexdan xisbi  ay u qabteen hay’adda Nabadda iyo horumarinta iyo dalladda ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF,   oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa ayay kaga doodeen qaabka saamiga ee kuraasta  baarlamaanka ay uga dhex muuqanayaan beelaha Somaliland  oo lixdii bilood ee la soo dhaafayba ay doodi ka taagnayd, iyadoo beelaha qaar ka cabanayeen in xildhibaanada waqtigan  golaha u fadhiyaa ay tiro ahaan ka yar yihiin intay xaqa u lahaayeen.

Agaasimaha hay’adda nabadda iyo horumarinta ee Somaliland Maxamed Faarax Xirsi oo heshiiska xisbiyad ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in  heshiiskan ay ku ilaalinayaan xisbiyada, hay’adda uu madaxda ka yahay iyo dalladda bulshada rayidka ee SONSAF .

xisbiyada ayaa dooddan ay heshiiska ka gaareen u soo bandhigey si loo suurogeliyo  doorasho baarlamaan oo aan dib uga dhicin waqtiga doorashada madaxtooyada  ee bilawga 2017.