U bood dhigaalka

Xisbiyada Soomaaliya: Xasan Sheekh Haka Baxo Villa Somalia, Ha soo Wareejiyo Jagada, Hantida, Baabuurka iyo Ilaalada September 10, 2016

Sheeko:Dalka

Waxaa Muqdisho maanta lagu qabtay shir xasaasi ah oo asxaabta dalka uga hadleen waqtiga madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay in uu banneeyo xafiiska Villa Somalia.

Shirkan oo ay u dhammaayeen asxaabta dalka waxaa ay ku baaqeen  in Xasan Sheekh uu Villa Somalia banneeyo, soo wareejiyo hantida guud, ilaalada, gawaarida, mansib sharafeedka iyo wax walba uu umadda u hayo September 10, 2016-ka.

Asxaabta waxaa ay ku doodayaan in dalka uu marayo xilli kala guur ah, doorashadana ay u muuqato in ay waqtigeeda kadib dhacesyo, waxaa ay soo qaateen qodobka 91-aad ee dastuurka Soomaaliya oo dhigaya muddada madaxweynaha.

Qodobka 91-aad: “Qodobka 91aad. Muddada Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu xilka haynayaa muddo afar (4) sano ah oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo, sida ku xusan qodobka 96 ee dastuurka”

Soo Jeedinta Koobaad: Asxaabta dalka waxaa kaloo ay soo jeediyeen in Ra’isul Baarlamaanka uu sii ahaado madaxweyne marka uu Xasan Sheekh banneeyo jagada sida ku qoran qodobka 95aad ee dastuurka.

Qodobka 95aad. Bannaanaanta Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka

Haddii uu bannaanaado xafiiska Madaxweyne, waxaa qabanaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ilaa laga soo dooranayo Madaxweyne cusub muddo aan ka badnayn soddon (30)maalmood gudahood.

Haddii Madaxweynaha uu ku dhaco xanuun aan ka-raysasho lahayn mudo ka badan sadddex bilood oo ay caddeeyeen xeeldheereyaal caafimaad waxaa sharciyan bannaanaanaya xilka xafiiska Madaxweynaha.

Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka beddelaya Madaxweyne mansabkiisi bannaanaaday waxaa loo maraya habraaca doorashada Madaxweynaha ku xusan ee Qodobk a 89aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka lagu doorto si waafaqsan faqradda (3) ee Qodobkan wuxuu dhamaystiraya muddada xilhaynta ee u harsanayd Madaxweynihii ka horeeyey.

Soo Jeedinta Labaad: Asxaabta dalka waxaa kaloo ay ku taliyeen in dalka laga hirgeliyo xukuumad KMG ah oo sii heyso xilka oo aaney ku jirin dadka u tartamaya xil qaran waa marka uu madaxweyne Xasan Sheekh xilka ka tago September 10, 2016-ka.

Soo Jeedinta seddexaad: Haddii intaas oo dhan la waayo, Asxaabta dalka oo dhameystiran waxaa ay ku baaqayaan in dalka lagu qabto shir ay ka soo qeybgalayaan dhamaan odoyaasha dhaqanka, siyasiyiinta iyo bulshada rayidka oo looga tashanayo waxa xiga oo la sameynayo.

Lama oga sida uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uga jawaabi doono dalabka axsaabta dalka, laakin sida dhacdo madaxweynaha iyo xukuumadda oo ah awoodda fulinta waxaa ay sii joogaan inta ay imaneyso awood kale oo kala wareegta, Soomaaliyana dunida kama duwana.

Arrimaha Doorashada 2016-ka, Kala soco Goobjoog News

Goobjoog News