U bood dhigaalka

Xisbiyo Siyaasadeed Oo Ka Digey Ciidanka DFS Ku Daabuleyso Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Xisbiyada kala ah Wadajir, Ilays, Horusocod Qaran iyo Xisbiga Nabadda ayaa qoraal ay soo saareen waxay kaga digeen ciidanka ay dowladda federaalka Soomaaliya ku daabuleyso magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Waxa ay sheegeen xisbiyadan in ciidankan la geynayo magaalada Dhuusamareeb ay fursad u noqon karto waxa loogu yeero argagaxisada.

Sidoo kale, waxay sheegeen in dowladda uga digayaan iney bur-buriso Galmudug oo dhisamaheeda waqti badan ku baxay.

Waxay kaloo sheegeen in dowladda dhexe ay mas’uuliyiinta Galmudug ugu hanjabto xarig iyo xurmo ka qaadis, waa sida ay hadalka u dhigeenne.

Halkaan hoose ka akhriso:

Goobjoog News