U bood dhigaalka

“Xitaa Hadii Aan Gool Ka Dhaliyo Kooxdaydii Hore Ee Muqdisho City Club Kuma Dabaal Dagayo”Daadir Amiin

Sheeko:Cayaaraha
Iyadoo kooxaha ugu hanshada badan ku guulaysiga horyaalka Somalia Premier League sanadihii lasoo dhaafay ay wada ciyaaridoonaan kulan oo aad u adag oo ka tirsan horyaalka ayaa hadan waxaa isha lagu hayaa bandhiga kabtankii kooxda Mogadishu City Club Daadir Amiin Cali oo ka hor imaanaya kooxdiisii hore.
 
08-August 2018-kabtankii hore Banaadir Sports Club Daadir Amiin Ali ayaa kooxdiisii hore ee Muqdisho City u ciyaaray kulankii u danbeeyay wuxuuna xiligaa ka horyimid,isla naadiga uu iminka ku suganyahay ee Elman taageerayaasha Muqdisho City Club ayaa aad u jeclaa xirfadyahanka.
 
Daadir Amiin Ali waxa uu ka mid ahaa halboolayaashii soo maray sanadihii lasoo dhaafay cidna kuma fikiraynin in uu naga dhaqaaqayo,balse tani waxa ay ka mid ah go’aanada ay gaaraan ciyaartooyda caanka ah anagoo isku duuban waxaan u rajaynaynaa in uu horomar wanaagsan la gaaro kooxdiisa Elman-Sports Club”waxaa Goobjoog Sports u sheegay guddomiyaha Mogadisho City Club Abukar Maxamed Sheekh.
August 2018-Daadir Amiin Cali ayaa ka mid noqday Safka kooxdiisii hore ee Mogadisho City intaa uu ku sugnaa waxaa u suura gashay in uu kula guulaysto 2-jeer oo horyaalka Somalia Premier League sanadihii 2013-2016, iyagoo ku qaaday (Unbeaten) sidoo kale waxa uu la hantay 2-jeer oo koobka Jeneraal Daa’uud intii u dhaxaysa 2011 iyo 2018.
 
“Sababta ugu weyn uu halkan u yimid Daadir Amiin waxaa ka mid jecel uu qabo anagana si wanaagsan ayaan u soo dhawaynay wuxuu ka mid yahay ciyaartooyda ugu saraysa dalka waxaan ka filaynaa tariikhihii iyo waqtiyadii wanaagsanaa uu lasoo qaatay kooxdiisa hore mid ka saraysa in uu ku sameeyo halkan sanadaha soo aadan”waxaa Goobjoog Sports ugu waramay guddomiyaha Elman-Sports Club Cabdirisaaq Faarax Cumar.
27-November 2018-Qoraal lagu soo bandhigay barta internetka ee kooxda Elman ayaa lagu qeexay in kabtankii hore Banaadir Sports Club  Daadir Amiin Cali oo soo caga dhigatay naadiga jaalayaasha ee Elman waxaan kusoo biiritaankiisa aad usoo dhaaweeyay saaxiibadiisa iyo taageerayaasha cusub.
 
 
“Way mahadsanyihiin guud ahaan Muqdisho City Club waxaan u hayaa xushmada iyo qadarin kubbadda cagta waqti kasta waxaa ka dhaca is badal tani waa qeyb ka mid ah waan jecelahay horomarka kooxdaydii hore,balse iminka waxaa ku jiraa waayo kale oo cajiib ah”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay kabtankii hore M.C.C Daadir Amiin Ali .