U bood dhigaalka

Xog: Baladweyne oo Xaaladdu Kacsantahay, 15 Qof oo La Xiray iyo Bandow Jira

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaaada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda federalka ah ee magaaladaas ay xireen 15 qof oo uu ku jiro afhayeenka jabhad meesha joogtay iyo saxafi.

Dadka la xiray marka laga reebo saxafiga Cali Kuluc iyo afhayeenka jabhadda Cabdi Gadac, waxaa kale oo ka mid ah ganacsato iyo dhalinyaro kale oo magaalada ah.

Dadka la xirxiray ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa cabasho ka ah hannaanka dhismaha maamulka Hirshabeelle loo maray , ayna dalbanay in xuquuqdooda ka maqan la siiyo .

Weriyeyaasha  Goobjoog News ee magalada Baladweyne ayaa xaqiijiyay in sidoo kale xalay xilli danbe lagu soo rogay magaalada bandow kaas oo illa saakay subixii hore hakad geliyay isku socodka gaadiidka iyo dad weynaha .

Waxaa kale, oo gudaha magaalada lagu arkaya ciidamo fara badan oo gaaf wareegaya , illa iyo haddana ma cadda tirada rasmiga ah ee dadka banaan baxa lagu xiray.

Goobjoog News