U bood dhigaalka

Xog: Ciidamada Wadaadka Mukhtaar Roobow oo Saddex Qeybood Loo Kala Qaadayo

Sheeko:Amniga

Waxaa  maalmahan magaalada Xudur ku sugan  ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, booqashada uu halkaasi ku tagay waxaa qeyb ka ah maareynta ilaa 800 oo isugu jira maleeshiyaadka ka amar qaata wadaadka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, qaar kale oo Koonfur galbeed iyo SNA.

Wadahadal dheer kadib, xog ay heshay Goobjoog News waxaa ku cad in maleeshiayad Roobow ogolaadeen in la qarameeyo, kana mid noqdaan xoogga dalka, waxaa sidoo kale la isla qaatay in loo kala saaro ilaa saddex qeybood, qeyb Booliiska gaarka ah, Nabadsugidda iyo SNA.

Soojedintan uu lahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdi Casis Laftagareen ayaa la ogeyn sida ay u yeeli-doonaan maleeshiyada, oo marka hore shuruuro la yimid.

Ciidamada Mukhtaar Roobow waxay dalbadeen inta aan la qarameyn in loo geeyo gaadiidka dagaalka, hub, zaanad kala duwan iyo in mushaar joogta ah loo qoro, waxaana wararku sheegayaan in ay u badantahay in dalabkaasi la fulindoonno.

Ciidamadan Wadaadka Mukhtaar Roobow tiro ahaan lama xaaiijin, waxaa ay kala joogeen  Xudur, Tiyeegloe, Rabdhuure

Sheekh Mukhtaar Roobow waxaa uu tan iyo December sanadkii tagay u xiranyahay dowladda federaalka ah, soo qabashadiisa oo Baydhabo ka dhacday waxaa ku dhimatay in ka badan 15 qof.

Goobjoog News