U bood dhigaalka

Xog Ku Saabsan Horyaalka Soomaaliya Oo Gabo Gabo Ah

Sheeko:Cayaaraha

Horyaalka Somalia Premier League 2019-2020 ayaa maraya heer gabo gabo ah waxaana 10 koox ee ka qeyb galaysa u haray min 18 kulan,iyadoo loolanka ugu badan uu u dhaxeeyo kooxaha Heegan Muqdisho City Dekedda iyo naadiyada kale ee kaalamaha hore ku jira horyaalka Soomaaliya 2020.

Saddexdii sano lasoo dhaafay waxaa horyaalka Somalia Premier League  hananyay naadiga Dekeddaha ee hogaamiyo macallin Yuuusf Cali Nuur,balse sanadkan 2020 Dekedda waxa ay la kulantay loolan adag.

Muqdisho City Club oo sanadkii kowaad ku ciyaaraysa magaca Dowladda hoose ee Gobolka Banaadir ayaa u muuqata mid u soo dhawanaysa hardanka hanashada horyaalka Somalia Premier League,tan iyo kolkii ay qaateen magacan bishii Novermber 2018.


Hogaamiya naadiga Muqdisho City Club Maxamed Mestiri Lamjed oo ka soo jeeda Wadanka Tunisiya ayaa hadii uu ku guulaysto horyaalka Somalia Premier League noqonaya tababarihii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Tinisiya ee hanata horyaalka Soomaaliya wuuxuuna iminka Muqdisho City Club maamualay mudo sanad,isagoo jagadan ka badalay Hussein Mvlangu Hassan oo ka soo jeeda Dalka Uganda.

Sidoo kale tababre Lamjed sanadkii la soo dhaafay waxa uu MCC soo gaarsiiyay kama dambeysta tartanka Jeneraal Daa’uud,inakstoo guusha iyo koobka ay qaateen xidigaha naadiga ciidanka xoogga.

Loolanka dhinaca gool dhalinta horyaalka waxaa ku xifaaltamaya ciyaaryahanada dalka iyo kuwa ka soo jeeda Wadamada Bariga Africa,balse gofeeyaasba ciyaaraha ayaa qaba aragti ah in sanadkan ay u badantahay in uu ku guulaysano karno gool dhaliyaha naadiga Muqdisho City Club Feysal Xaashi.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xogta Horyaalka Somalia Premier League

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle