U bood dhigaalka

Xog: Qaar Ka Tirsan Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Ah Oo Korontadii Laga Goostay, Sabab?!

Sheeko:Dalka

In ka badan 7 wasaarad oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmo koronto la’aan ah, waxaa laga goostay korontadii  kadib markii ay muddo 4 bil ah iska bixin waayeen lacagtii.

Wasaaradaha koronto la’aanta ah waxaa ka mid ah: Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Wasaaradda howlaha guud, Wasaaradda tamarta, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo wasaarado kale oo muhiim ah.

Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradahaasi, waxaa jirtay inta aan korontada la goosan ay shirkadda korontada digniin siisay xarumahaas wasaaradaha si ay u bixiyaan, laakin ay guul-dareysteen , kadibna laga goostay.

Mar aan weydiiney sababta waxaa ay sheegeen inay tahay arrimo la xiriira maaliyadda, iyaga oo waayey qarashkii howlahan oo kale lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, wasaaradda maaliyadda ayaana mas’uul ka ah arrimahaas.

Goobjoog News waxaa kale oo ay ogaatay in dhibka aanu koronto keliya aheyn, oo wasaaradaha loogu hanjabay inay biyaha laga goosan-doono.

Qaar ka tirsan wasiirrada xukuumadda federaalka ah ayaa ku qasbanaaday inay shirar ku galaan Hoteellada u dhow xarunta, mugdiga iyo koronto la’aanta awgeed.

Dhinaca kale, Shirkadda BECO ayaa sheegtay inay jiraan wasaarado dhowr bil lacag bixin waayey, oo ay ka jareen, iyaga oo intaasi raaciyey inay qaarkood u soo daayeen.

Qaar ka tirsan wasiirrada oo aan la xiriirnay, nooma suuro-gelin inaan heleelno,

Goobjoog News