U bood dhigaalka

Xog Uruurin: Obama iyo Michelle waa Labbada Loogu Qadarin Badanyahay Mareykanka

Sheeko:Dalka

Xog uruurin cusub oo ay qaadey Gallup, Michelle Obama ayaa noqotay haweeneyda loogu qadarin badanyahay Mareykanka iyada meesha ka saartay Hillary Clinton oo aheyd 17-kii sano lasoo dhaafay, 2-aad waa Oprah Winfrey halka Clinton ay 3-aad gashay.

Melania Trump  ayaa gashay 4aad, halka boqoradda Ingiriiska Elizabeth, Angela Merkel, Ruth Bader Ginsburg, Ellen DeGeneres, Nikki Haley iyo Malala Yousafzai ay ka mid noqdeen 10-ka ugu horeeya.

Dhanka ragga, Madaxweynihii hore Barack Obama ayaa noqday ruuxa loogu qadarin iyo jecelyahay Mareykanka, waa sanadkii 11-aad uu kaalintaas ku jiro, Donald Trump oo ah madaxweynaha waa 2-aad.

Tan iyo 1946-dii, Gallup waxaa ay dadka ka qaataa xog uruurin, iyada oo la weydiiyo” magacaw qof ninka ama haweneyda aad ugu qadarin badantahay caalamka”?

Goobjoog News