U bood dhigaalka

Xog: Xadka Dhulka Ah Ee Ay Soomaaliya La Wadaagto Kenya iyo Itoobiya oo furan, Sabab?

Sheeko:Dalka, War

Inkasta oo dowladda federaalka ah ay xirtay duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha hadana waxaan ogaannay in weli uu furan yahay xadka ay Soomaaliya la wadaagto dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Xogta ay heshay Goobjoog News ayaa waxa ay sheegaysaa in qeybo ka mid ah xudduuda aan la wadaagno dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay yihiin kuwa shaqeynaya marka la eego dhinacyada isku socodka dadweynaha iyo kan rakaabka badeecadaha, waana xilli cabsi xooggan laga qabo faafidda xanuunka Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali xirin xudduudaha ay la wadaagto dowlaadaha deriska oo qaarkood iyagu xirtay xudduudooda markii ay amarro soo saareen sidoo kalane laga diiwaan galiyay kiisas la xiriira caabuqa Covid-19.

Weriyayaal ku sugan degmooyinka Beladxaawo iyo Dhoobleey oo ka kala tirsan gobalada Gedo iyo Jubbada hoose ayaa waxa ay Goobjoog News u xaqiijiyeen in dowladda Kenya ay xiratay xadka ay goboladaasi kala wadaagto Soomaaliya balse taa badalkeeda dowladda federaalka ay ku guul dareysatay in ay xirato xadkeeda maadaama laga cabsi qabo faafidda xanuunka Covid-19.

Waxaana sidoo kale jira in gaadiid si qarsoodi ah uga soo baxaya dowladda Kenya ay soo galaan dhulka Soomaaliya iyaga oo markaasi keenaya qaad iyo badeecado kale, waxaana dowladda Kenya marka ay ogaato gawaaridaas sida dhuumaaleysiga ah ku gala Soomaaliya ay dul dhigtaa ganaaxyo.

Marka laga yimaado in Kenya ay xiratay xadkeeda ma jirto dadaalo dowladda federaalka ay iyaduna si buuxda ugu xiranayso xadka ay la wadaagto dalkaasi, waxaana inta badan hakad ku jira isku socodka dadka iyada oo labada xuduudood ay yihiin kuwa hal dhinac ka xiran.

Dhanka kale xadka dowladda Itoobiya ay kala wadaagto Soomaaliya ayaa ah mid furan oo waxaa si caadi ah u shaqeynaya isku socodka dadka iyo gaadiidka ee isaga kala goosha labada dowladood waa Soomaaliya iyo Itoobiyee.

Ilo ku sugan gobalka Hiiraan ayaa Goobjoog News waxa ay u sheegeen in deegaanada gobalkaasi uu yimaado qaadka loo yaqaan “hareeriga” oo ka baxa dalka Itoobiya waxa ayna intaas hadalkooda ku dareen in aysan jirin wax isbadala oo ku yimid isku socodka badeecadihii ka imaan jiray Itoobiya tan iyo markii xanuunkaan uu soo gaaray bariga iyo geeska Afrika.

Sidoo kale dadka nala hadlay ayaa waxa ay inoo sheegeen in qaadkii Miiraha ahaa ee ka imaan jiray Kenya uu hakad ku yimid balse haatan gobalkaasi laga isticmaalayo qaadka Hareeriga ah oo markii hore aan suuq fiican ku lahayn deeganada gobalka Hiiraan.

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo labaduba xuduudo la wadaaga Soomaaliya ayaa waxaa horey looga shaaciyay kiisas xanuunka Coronavirus ah, waxaana dowladda federaalka ay sheegtay in dalka lagu soo rogay xayiraad ku aaddan duulimaadyada caalamiga ah, balse wali dowladdu kama fekerin sidii ay xayiraad ugu soo rogi lahayd xuduudda aan la wadaagno dowladaha deriska nala ah ee laga helay caabuqa Coronavirus.

Goobjoog News