U bood dhigaalka

Xogahaya Guud Ee Qaramada Midoobay António Guterres Oo U Magacaabay George Conway Ku-Simaha Ergeyga Gaarka Ah Ee Xafiiska Hawlgalka UNka (UNSOM)

Sheeko:Dalka

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay George Conway oo kasoo jeeda dalka Canada inuu noqdo ku-simaha ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada midoobay ee (UNSOM) isagoo sidoo kale ah isku-duwaha hawlaha bini’aadannimo ee Soomaaliya.

Mr Conway ayaa beddelaya Peter de Clerk oo kasoo jeeda dalka Netherlands. Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey de Clerk shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka qabtay Soomaaliya intii uu joogay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)

Mr Conway oo hadda ah mas’uul  ka tirsan  hay’adda UNDP Soomaaliya ayaa ah nin waaya-aragnimo durugsan leh shaqooyin aad muhiim ahna kasoo qabtay Qaramada Midoobay, isagoo soo qabtay xilalka la taliye xafiiska UNDP ee Africa, agaasime UNDP ka tirsan gaar ahaan dalka Koofurta Sudan iyo ku xigeenka madaxa barnaamijyada UNDP ee Koofurta Sudan.

Mr Conway wuxuu dhashay sannadkii 1970 waana nin ka qaatay shaadaha Master of Arts jaamacadda Carleton iyo jaamacadda Western Ontario, sidoo kale wuxuu Bachelor of Arts ka qaatay jaamacadda Winnipeg.