U bood dhigaalka

Xogga Dalka Oo AMISOM Kala Wareegay Kulliyada Jaalle Siyaad

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumada Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasabad uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kula wareegayay Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ahaa Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ahna Abaandullaha  taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka, Wasiiru Dowlaha wasaaradda gaashandhigga,  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka socday Amisom iyo Turkiga.

Kooxda fanaaniinta Horseed ee Ciidanka Xogga Dalka ayaa goobta kusoo bandhigay suugaan ka hadleysay wadaniyadda.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General; Bile Ibraahim Aadan oo Munaasabadda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhda kuliyadda Jaalle Siyaad, wuxuuna sheegay in kulliyaddu ay qeyb weyn ay ka qaadatay dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa tilmaamay in ka bixitaanka Ciidanka Amisom ee kulliyaddan ay qeyb ka tahay waqtiga kala guurka ee Ciidamada Midowga Africa ee Amisom.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa, ayaa xusay in Dowlada Soomaaliya ay dedaal adag ay ku bixin doonto dhismaha kulliyadda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumada Soomaaliya, Mahdi Maxamed guuleed,ayaa uga mahadceliyay Ciidanka Amisom muddadii ay Gacanta ku hayeen kulliyadda.