U bood dhigaalka

Xogga Dalka: Waxaa Dilnay 15 Al-shabaab Ah

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalkan ay ka qeybqaateen ciidanka daraawiishta ee dowlad goboleedka Jubbaland, islamarkaana laga fuliyey deegaanka Bandar-jadiid ee Jubbada Hoose.

Wuxuu tilmaamay taliyaha in howlgalkaasi ku dileen 15 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, ayna sidoo kale soo gaarsiiyeen khasaare xooggan.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka hawlgal ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa Jalalaqsi iyo Buuleburte lagu dilay Ibraahim Cabdi Turceey oo ahaa madixii Jabhadaha Al-shabaab ee gobolka Hiiraan iyo Xasan Yare oo ahaa madixii Miinooyinka.

Dhanka ururka Al-shabaab ma jiro wax war ah oo ay kasoo saaren howlgallada ka kala dhacay Hiiraan iyo Jubbada Hoose.

Goobjoog News