U bood dhigaalka

Xogga Dalka: Waxaan Dilnay 12 Ka Mid Ah Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa faah afahin ka bixiyey howlgaladii ay dhawanahan  Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka fuliyeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ururka 5-aad, guutada 16-aad Kumaandooska xoogga dalka ee Danab Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inay howlgalka kaga dileen 12 ka tirsan Al-Shabaab 15 kalana kaga dhaawaceen.

Sidoo kale Taliyaha wuxuu sheegay in Ciidamada ay la wareegeen deegaannada Malaayleey, Janaale gaay, Reerneeroow, Bandar Jadiid iyo sidoo kale degaanka Bengaani, oo qiyaastii 37 km ujirta Magaalada Kamsuuma.

Taliyaha ayaa intaasi kudaray in howlgalka inat uu socday ay 9 mino soo saareen ciidanka isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalka inta ay Al-Shabaab kaga saarayaan degaannada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

Goobjoog News