U bood dhigaalka

Xoghaya Joogtada Ee Wasaaradda Batroolka Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Shaqo Joojintiisa

Sheeko:Dalka

Jamaal Qaasim Mursal oo ah xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanka kaas uu  shaqao joojin ku sameeyey Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ah wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanka  ayaa tillaabadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah, oo aan loo marin waddo sax ah.

Jamaal Qaasim Mursal, oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “Aniga waxaa isoo magacaabay ra’isul wasaare, 3 sano ayaan joogaa wasaaradda Batroolka, xataa inta aanan noqon xoghaya joogtada ah waxaa soo ahaa la-taliye, agaasime waaxeedka qorsheynta iyo agaasime waaxeedka maaliyadda, shaqo badan ayaa soo qabtay ilaa maanta aan gaarsiinno halka ay joogto”.

Jamaal Qaasim Mursal, oo xil ka qaadistiisa qaabka ay ku timid ka hadlayey waxaa uu yiri “Xil ka qaadista waxaa ay soo socotay 3 bil, wasiirka waxaa uu wasaaradda keenay agaasime guud, isaga oo leh waxaa isoo dhiibay madaxweynaha, oo waa amar madaxweyne, si qasabna ugu wareejiyey maamulka iyo maaliyadda wasaaradda, hadda agaasimahaas waa joogaa, sifo sharci ah kuma joogo, ee rabitaan shakhsiga ah ee wasiirka ayuu meesha ku joogaa”.

Mar aan wax ka weydiiney waxa laga yeelayo shaqo joojintiisa, Jamaal Qaasim Mursal waxaa uu yiri “Aniga sidaan kuu sheegay ra’isul wasaare ayaa isoo magacaabay, waxaan xafiiska uga tagi karaa Dekereeto uu isaga soo saaray, inta ka horeysa shaqadeyda waan wataa, wasiir xil igama qaadi karo, oo sharci kuma saleysna.

Ugu dambeyntii, xogyaha joogtada ah ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanka Jamaal Qaasim Mursal waxaa uu wasiirka wasaaradda Cabdirashiid Maxamed Axmed ku eedeeyey inuu dhibaato ka dhex wado wasaaradda Batroolka, isla markaana uu ka shaqeynayo lugooyo iyo inuu rabitaankiisa shakhsiga ah iyo sida uu rabo ka yeesho wasaaradda.

Goobjoog News