U bood dhigaalka

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Diraya Fariin Ku Aadan Maalinta Xuquuqda Aadanaha

Sheeko:Dalka

Ban Ki-moonXoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qoraal fariin ah oo ku aadan maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha 10-December oo Sanad Walba maanta oo kale.

Fariinta ayaa sidaan u qoran:-

QARAMADA MIDOOBAY

XOGHAYAHA GUUD

FARRIIN KU AADDAN MAALINTA CAALAMIGA AH EE XUQUUQDA AADANAHA

10 DECEMBER 2014

Munaasabadda Xuquuqul Insaanka, waynu ka hadlaynaa.

Waxaynu cambaareynaynaa maamullada diida xuquuqda qof kasta ama koox kasta.

Waxaynu ku dhawaaqaynaa in xuquuqul insaanka aynu wada leenahay dhammaanteena, waqti walba: cid kastoo anynu nahay iyo meel kastoo aynu
ka soo jeedno; si kastaba ha u kala duwanaadeen dabaqadaheenu, fikradaheenu, ujeedkeena xagga galmada.

Taasi waa arrin muhim u ah caddaaladda qofka, xasilloonida bulshada iyo horumarka adduunka.

Qaramada Midoobay waxay ilaalinaysaa xuquuqul insaanka waayo taasi waa ujeeddadeena aan ku faanno – dadkuna way ku naalloodaan xuquuqdooda,
dhaqaaluhuna wauu kobcayaa, dalalkuna nabad bay helayaan.

Xadgudubyada loo geysto xuquuqul insaanka ma aha keliya dhibaatooyin qofka loo geysto. Waa gambaleel digniin ah oo ka digaya qalalaanso intaa
ka weyn.

Tallaabada Kowaad ee Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay waa loola jeedaa in lagu dhegeysto digniintaas. Waxaanu u ololeyneynaa annagoo ka
jawaabayna xadgudubyadaas – inta ayna isu rogin xasuuq wadareed ama dembiyo dagaal.

Qof kasta wuxuu ka qaybgali karaa horumarina karaa halganka lagula jiro caddaalad darrada, isu dulqaadasho la’aanta iyo xagjirnimada.

Waxaan ugu baaqayaa Dowladaha inay fuliyaan waajibka ka saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha maalin kasta oo ka mid ah sannadka. Waxaan ugu
baaqayaa dadka inay la xisaabtamaan dowladahooda. Waxaana ku baaqayaa in si gaar ah loo ilaaliyo dadka difaaca xuquuqda aadanaha oo si geesinimo
ah ugu adeega ujeeddada naga wada dhexeysa.

Aynu ka jawaabno oo aynu u gurmano oohinta iyo dhawaaqa dadka lagu xadgudbo, oo aynu xoojino xaqa ay dadkoo dhan u leeyihiin sharaf iyo
karaama baniaadanimo.

GET UPDATES FROM UNSOM/HALKAN KA HEL WARARKA UNSOM:
www.unsom.unmissions.org
@UNSomalia
facebook.com/UNSomalia
flickr.com/photos/unsom