U bood dhigaalka

Xoghayaha Guud ee Q.M: Farriin Ku aadan Maalinta Caalamiga Ah Ee La-Dagaalanka Musuq-maasuaqa

Sheeko:Dalka

9 DECEMBER 2014
Musuq-maasuqa waa arrin muuqata oo ka jirta dunida taas oo dhibaato ba’an u geeysata dadka saboolka ah, cuuryaamisa kobaca dhalqaale ee ka dhexeeya dadka. Musuq-maasuqu wuxuu duudsiisaa adeegyada asaasiga ah ee lagu qaban lahaa lacagta sida daran loogu baahanyahay. Billow ilaa dhammaad, malaayiin ayuu mugdiga musuq-maasuqu saameeyay.
Annagoo sannadkan u dabaaldegeyna Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa, waxaan mar kale ugu baaqeynaa dadka meel kasatoo ay joogaanba inay ka qeybqaataan “Jaridda Sillsiladda Musuq-maasuqa”.
Sannadka soo socda, caalamku wuxuu isla meel dhigi doonaa jadwal-hawleed horumarineed oo cusub oo dhaxalgal ah, kaas oo loogu talagalay wixii ka dambeeya sannadka 2015. Ujeeddadeenu waa in la xoojiyo shaqsiyaadka, lana dhiirrigeliyo xukuumadaha, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayidka ah laguna dhiirrigeliyo sidii ay gacan uga geeysan lahaayeen in malaayiin qof laga saaro saboolnimada, ilaalinta dhul-meeraha iyo in dadka dhamaantiis ay gaaraan barwaaqo iyo karaamo ka wada dhexeeysa. Ciribtirka musuq-maasuqa iyo saameeyntiisa waxyeelada leh ayaa lagama maarmaan u ah fayo-qabka mustaqbalka.
Si loo burburiyo derbiyada dhaadheer ee musuq-maasuqa, waxaan ku boorrinayaa dal kasta inuu ansixiyo uuna hirgeliyo Heshiiska Qaramada Midoobay ee Cirib-tirka Musuq-maasuqa. Tallaabooyinka lagu guuleystay ee Heshiiskan ee dhanka ka-hortagga, dambi ka-yeelidda, iskaashiga caalamiga ah iyo dib-u-soo celinta hantida ayaa laga gaaray guulo muhiim ah, laakiin waxaa jira wax kale oo badan oo ay tahay in laga hawlgalo.
Xafiisyada dowladdaha ee adeegyada dadweynaha waa inay dhowraan halbeegyada ugu sarreeya ee daacadnimada iyo sharafta, waana inay xaqiijiyaan in magacaabista jagooyinka ay noqdaan kuwo ku saleysan mudnaanta tayada. Anshaxa, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka waa inay hagaan shaqaalaha dowladda iyo weliba madaxda la soo doortay.
Waaxda ganacsiga gaarka loo leeyahay waxay sidoo kale leedahay kaalin muhim ah. Dhaqan wanaagsan waa ganacsi wanaagsan. Shirkadaha ganacsiga waxay tallaabooyinka ka-hortagga musuq-maasuqa u bedeli karaan taageero adag oo ku aaddan horumar dhaxalgal ah.
Waxaan qof kasta ugu baaqayaa inuu gacan ka geysto soo af-jaridda musuq-maasuqa, iyo in loo midoobo oo laga wada shaqeeyo cadaaladda iyo sinnaanta dunida. Adduunka iyo dadka ku nool ma xamili karaan, umana dulqaadan karaan musuq-maasuqa.