U bood dhigaalka

Xoghayaha Guud Ee QM Oo Kusoo Wajahan Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Guterres oo xilkaan qabtay 1-dii January 2017 ayaa markii uu yimaado magaalada Muqdisho waxa uu la kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Antonio ayaa markii uu la kulmo madaxda dowladda Soomaaliya waxa uu kala hadli doonaa arrimo badan oo dalka quseeya.

Antonio Guterres ayaa safarka uu ku imaanayo magaalada Muqdisho waxa uu noqon doonaa midkii ugu horreeyay ee uu kusoo aado qaaradda Africa kadib markii uu xilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey la wareegay.

Socdaalka Guterres ee Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xilli guud ahaan dalka ay ka jirto abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News