U bood dhigaalka

Xoghayaha Guud Ee QM Oo Soo Gaaaray Muqdisho

Sheeko:Dalka

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa goor dhow soo gaaray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Xoghayaha ayaa la kulmi doona madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ku sugan isla garoonka Aadan Cadde, waxaana ay ka wada hadli  doonaa arrimo badan.

Antonio Guterres, ayaa markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho, waxa uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in safarkiisa degdegga ah ee dalka ku yimid tahay sidii u ugu kuur geli lahaa xaaladda guud ee dalka gaar ahaan midda abaareed.

“Hadda ayaan Soomaaliya ku imid safar degdeg ah, kaasi oo diiradda lagu saari doono gaajada iyo cudurka Shuban biyoodka, dadka wey dhimanayaan, caalamka waa in uu wax ka qabtaa arrinkaan sidii loo joojin lahaa” ayuu yiri Antonio Guterres.

Hadaba waxaa lagu wadaa markii ay wada kulmaan madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres in saxaafadda ay faah faahin ka siiyaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News