U bood dhigaalka

Xoghayaha Guud Ee Wasaaradda Gargaarka Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Maxamed Cumar Macallin oo ahaa xoghayihii guud ee wasaaradda gargaarka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey inuu xilkaan iska casilay.

Qoraal kooban uu xoghaye Macallin soo dhigay Twitter-ka ayuu ku sheegay in is casilaadiisan ka dambeysay kadib markii wadashaqeyn xumo dhex timid isaga iyo wasiirka wasaaraddan.

Ma jirto faah faahin kale oo uu kasii bixiyey inuu xilkaan iska casilay.

Dhowaan ayeey ahayd markii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay xabsiga dhigeen agaasimahii waaxda dib u dejinta barakacayaasha ee wasaaraddan, kadib markii lagu soo eedeeyey musuq maasuq.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News