U bood dhigaalka

Xoghayaha Qaramada Midoobey oo Taleefoon Kula Soo Hadlay Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid

Sheeko:Caalamka

Ban Ki MoonXoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon ayaa taleefoon usoo direy Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirishiid isaga oo ugu hambalyeeyey xilka cusub ee loo magacaabay.

Ban ayaa Cumar kala hadlay in madaxda Soomaalida ay si dhow u wada shaqeeyaan, islamarkaasina la dardar galiyo dhameystirka dhismaha maamul goboleedyada.

Waxa kale oo uu kala hadlay qabyo tirista dastuurka oo ay hawshiisa socoto.

Ban Ki Moon ayaa Cumar u xaqiijiyey in Qaramada Midoobey ay taageeri doonto, islamarkaasina garab istaagi doonto xukuumadiisa.

Wuxuu noqonayaa xiriirkii ugu horeeyey oo heerkani ah oo Cumar uu la yeesho madaxda adduunka tan iyo intii todobaadyo ka hor xilkani loo magacaabay.

Goobjoog News