U bood dhigaalka

Xoghayaha Rugta Ganacsiga “Waxbo Nagama Gelin Mooshin, Doorkeennu Waa Ganacsi” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Shaafi Raabi Kaahin, xoghayaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha rugata ganacsiga ee Jubalnd ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uuu Sheegay in aysan waxaba ka quseyn ka hadlidda Mooshinka Madaxweyne Farmaajo laga gudbiyey.

Kaahin ayaa sheegay in warqad kasoo baxday guddoomiyaha rugtan aanay waxbo kala socon, islamarkaana iyagu yihiin ganacsato, oo aan siyaasad waxbo ka quseyn.

Waxa uu sheegay Xoghayuhu in guddoomiyaha rugta ganacsiga looga baahan yahay in uu ka hadlo dhibaatada ganacsatadda Soomaaliyeed lagu hayo sida baadda iyo dilalka lagula kaco.

Sidoo kale, xoghaye Shaafi ayaa sheegay in warqaddan lagu dalbadey in la joojiyo mooshinka madaxeyne Farmaajo aanay waxbo kala socon xubnaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ee isagu ku jiro.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News