U bood dhigaalka

Xogheyha Guud Ee Golaha Shacabka: Shaqo Joojinta Waa Sharci-darro ah

Sheeko:Baarlamaanka

Xogheyaha guud ee golaha shacabka Cabdikarin Buux ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in warqadda ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka ee la sheegay in shaqada looga joojinayo aysan wax  sharciyad ah laheyn.

Qoraalka Buux waxaa ka mid ahaa “Xogheyaha guud ee golaha shacabka waxaa magacaabo guddoomiyaha golaha shacabka asaga oo la-tashanaayo ku-xigeennadiisa waxaana ansixiyay guddiga joogtada ah si waafaqsan qodobka 82aad faqrada 5aad ee Xeer hoosaadka golaha shacabka, wuxuu xil ku waaya si la mid ah, sidoo kale xogheyaha guud waa mas’uulka ugu sareeya maamulka, farsamada iyo dhaqaalaha golaha wuxuuna si toos ah uga amar qaataa guddoomiyaha golaha shacabka si waafaqsan qodobka 82aad faqrada 6aad ee Xeer hoosaadka golaha shacabka.

Xilka guddoomiye ku-xigeenka waa inuu qabto waajibaadka guddoomiyaha marka uu maqan yahay iyo howlaha kale ee guddoomiyaha u xilsaaro.

Hadaba, Waxaa la idinku wargelinayaa in warqadda ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka aysan wax  sharciyad ah laheyn

Mar sii horreysay ayaa qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka la sheegay in shaqadii looga joojiyay xogheyaha guud ee golaha shacabka Cabdikarin Buux.

Goobjoog News