U bood dhigaalka

Xogta Goobjoog: Dhimashada Qaraxii Zoobe Oo Mareysa 237 Iyo Dhaawaca 374 Qof

Sheeko:Dalka

Labo boqol iyo soddon iyo todobo(237) qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax sabtidii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, 130 ka mid ah dadkaasi dhintay meydadkooda waa la aqoonsan-waayey. Dadka dhaawaca ah waxaa ay ka badan yihiin 374 qof, waxaa kale 135 la geeyay  Isbitaallada magaalada.

Weriyeyaasha Goobjoog News ee kala ah: Maxamud Cali Xaaji, Cali Aadan Muumin iyo Maxamed Salaad ayaa booqday Isbitaallada Madiina, Ordogan (Ex-Digfeer), Somali Sudanes Hospital, Dr. Osman Fiqhi Hospital, Mogadishu City Hospital, Daaru Shifa, Aden Cadde Hospital, Shaafi iyo Kalkaal.

Sagaal-kan(9) Cusbitaal waxaa ugu dhimasho badnaa Isbitaalka Madiina, sida uu sheegay Dr. Maxamed Yusuf oo ah agaasimaha isbitaalka, shalay illaa xalay waxaa la keenay isbitaalka meydka 218 qof oo 130 ka mid ah illaa iyo hadda la garan la’ yahay ka dib markii ay aad u gubteen. Sidoo kale dhaawaca la keenay isbitaalkaas ayaa ah 71 qof oo waqti yar ka dib 2 ka mid ah tiradaas ay dhinteen.

Agaasimaha  isbitaalka Ordogan (Ex-Digfeer)  Xuseen Maxamud Nuur oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in 207 qof ay qaabileen, 11 ayuu sheegay in markiiba ay goobta ku dhinteen isaga oo intaasi raaciyay in 12 ka mid ah ay xaaladooda khatar tahay, oo weliba 5 ka mid ah dadkaasi aanba  dalka waxba looga qaban Karin, dadka dhintay waxaa uu da’dooda ku qiyaasay 20-40 jir, Isbitaalka Ordogan (Ex-Digfeer) waxaa uu 24 saac ee la soo dhaafay isticmaalay dawacadii ay ugu talo-galeen 6-da bil ee soo socota.

Somali Sudanes Hospital ayaa ka mid ahaa Isbitaallada aan booqanayey,  Dr. Cabdinaasir Isaaq Maxamud ayaa waxaa uu sheegay in la soo gaarsiiyay 86 qof oo dhaawac ah, 20 ka mid ah waxaa ay ahaayeen haween, waxaase markii dambe la fasaxay oo dib u laabtay 9 qof.

Dr. Osman Fiqi Hosbptal inta la geeyay waxaa nooga waramay Dr. Cabdiwahab Daahir Calasow isaga oo sheegay in 38 Dhaawac oo Isbitaalka la geeyay ay 5 ka mid ah dhinteen, 2 ayaa la jiifiyay, inta kale waa la fasaxay.

Mogadishu City Hospital waxaa la geeyay 41 qof oo dhaawac ah, 2 ka mid ah ayaa halis ah, 12 ayaa hadda jiifta inta kale waa la fasaxay, sidaasi waxaa noo sheegay  Dr. Suleyman Nageye.

Daaru- Shifa Hospital dadka la geeyay waxaa ka warbixiyay  Agaasimaha Isbitaalka Maxamed Cabaas Cusman isaga oo sheegay in la soo gaarsiiyay  42 qof oo dhaawac ah, 2 ayaa Isbitaalka gudahiisa ku dhimatay, 22 ayaa jiif loo qoray, dadkaasi 22 ayaa rag ah, 7badana waa caruur.

Aden Cadde Hospital waxaa la geeyay illaa 25 ayaa dhaawac ah, 4 ayaa dumar ah, madaxa qeybta jiifka  Maxamud Axmed ayaa noo  sheegay in da’dooda u dhaxeyso 18-60 jir.

Isbitaalka Shaafi oo ka mid ah Isbitaallada Xamar waxaa la geeyay  67 qof oo dhaawac ah, 1 qof ayaa dhintay, sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay Dr. Cabdirashid Cumar

Isbitaalka Kalkaal waxaa isna la geeyay 45 qof oo dhaawac ah, 3 qof ayaa dumar ahaa, dhaawacyadaasi 3 ka mid ah waxaa ay ku jiraan Coma, 20 qof ayaa hadda  jiifta oo 15 eheladooda wax soo sheegta la la’yahay, sidaasi waxaa noo sheegay  Cabdiqadir Aden.

Waxaa kale oo jira in Isbitaalka Masaarida oo weriyeyaasheennu ay tageen  mas’uuliyiintiisu ay ka gaabsadeen in ay la hadlaan.

Tiradan wixii ku soo kordha waan ku dari-doonnaa….Mar walba, La soco, Goobjoog News

Goobjoog News

pic1 6 5 4