U bood dhigaalka

Xogta Goobjoog: Kenya oo Dalbaneysa Dib u Dhigista Dacwada Badda ilaa 6 Bilood Oo Kale

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa la sheegayaa iney qorsheyneyso dib ugu noqoshada maxkamadda cadliga adduuka ee ICJ si y helaan ilaa May sanadka dambe.

Warkan oo ay Goobjoog News ka heshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku shaqada leh kiiska badda ayaa sheegaya in Kenya ay dooneyso in 6 bilood oo kale dib loo dhigo dhageysiga dacwada badda.

Kenya ayaa ku andacooneysa inuu ku yaryahay waqtiga labada bil ah ee loogu daray horraantii bishan September. Bishan ayey aheyd markii ay maxkmadda 12 bil ka codsadeen laakin 2 bil la siiyey si loo dhageysto dacwada 4-ta November 2019.

Xogtan oo weli ku kooban diblomaasiyiinta iyo dadka ku shaqada leh kiiskan ee labada dal ayaan ilaa hadda Soomaaliya la soo gaarsiin qoraal ka yimid ICJ oo sheegaya dalabka cusub ee Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda noo sheegtay iney diyaarisay jawaab ku haboon damaca iyo codsiga Kenya hadiiba ay warqad ka helaan ICJ, Muqdisho waxaa ay maxkamadda ICJ  la wadaagi-doontaa sida Nairobi uga meermeerineyso tagista maxkamadda iyo in aaney daacad ka aheyn cudur-daaradda ay sheegeyso.

Warar kale oo ay heshay Goobjoog News ayaa sheegayaa  xogheyaha Qaramada Midoobey Guterres oo New York kula kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdigiisa uu ku cadaadiyey in kiiska badda laga soo celiyo ICJ oo lagu dhameeyo wada hadal, taasi oo muujineysa sida Kenyaanka ay ugu dadaalayaan in meel walbo ay gaaraan si looga hortago dhageysiga dacwada.

Goobjoog News