U bood dhigaalka

Xogta Goobjoog: Shirkadaha Shidaal Baarista ee Xiisaynaya Badda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Astaamo badan ayaa muujinaya in shidaal badda Soomaaliya(Indian Ocean) inuu ku jiro. Astaamahaas waxaa ka mid ah badda sal keeda inuu ka soo siimoobo (seepage), uuna ka soo burqado asagoo dareere ah ama hawo (gas) ah. Dayax-gacmeedya baara dhulka ayaa waxay ku arkeen badda Soomaaliya meelaha qaar inuu siimowgaas ka jiro. Taas waxay ka mid tahay daliilaha tusinaya baareyaasha /sahmiyeyaasha in badda salkeeda dhulka ah in khayraad dabiici yallaan.

Baaristii Soomaaliya laga sameeyay 2014-2015 ee Soma Oil and Gas iyo tii ka dambaysay ee Spectrum Geo sammaysay (2015-2016) ayaa caddayn buuxda u noqday botenshiyaalka (mugga loo maleeyo inuu ku jiro) shidaalka. Waxaa la arkay 3 aag (basin ama shidaal-fariisan) ee leh qaababkii iyo dhagaxdii shidaalka dhali lahaa, jidad kii uu ku siimoobi lahaa (migration pathways), dhagaxii kaydin lahaa iyo daboolladii isku dahaari lahaa si u fakanin.  Saddexda aag waa Badda Galmudug, Badda Baraawe illaa Warsheikh iyo aagga Webi Jubba meeshuu badda kaga-darsamo.  Taas waxaa loo tarjumi karaa biyaha ku aaddan Jubbaland, KG, Benadir, Hirshabelle iyo Galmudug. Baarista jiyo-fisikadeed intaas ayaa laga sammeeyay.

Horay botenshiyaalka shidaalka ee badda Soomaaliya waxaa sheegay Hay’adda Mareekanka ee Sahanka Joolojiyeed (United States Geological Survey – USGS) markay qiyaaseen inta ku jirto shidaalka badda Bariga Afrika (min Mozambique , Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) inay ka badan tahay 28 bilyan oo fuusto shidaal dareere ah. Shirkadaha badda Soomaaliya sahmiyay sida ENI (1977 – Garacad-Mare-1), ExxonMobil (1982/83), Shell 1989/90), Total (2001), iyo Soma Oil and Gas (2014/15) dhammaan waxaa u soo if-baxay in shidaal ku  jiro badda hoos teeda.  Arag tidaas waxay ku salaysan tahay baaristii ballaarnayd oo ay sameeyeen.

Shirkadaha Soomaaliya heshiis la galay ama raba inay la galaan way badan yihiin. Shell-ExxonMobil waxay la galeen Soomaaliya heshiis waagii Dowladdii Askarta ee Diktatooriyadda ee Maxamed Siyaad Barre, November 1988. Heshiis kaas weli wuu jiraa maadaama ay Shirkadahaas ay waajibaad kooda ay gudanayaan oo ay la shaqeeyaan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Shirkadahaas wuxuu gaarayaa badda ay ka shaqaynayaan min Bandar Bayla ilaa Marka badda aan moolka ahayn.

Waxaa kaloo heshiis nooc kale ah Soomaaliya hadda kula jirta Soma Oil and Gas. Heshiis kaas wuxuu sheegayaa in ay Soma ka bixiso Somalia qarashka baarista badda, iyadana la siiyo 12 balook ama 60,000 km2. Soma way qabatay waajib keedii marka loo fiiriyo heshiis kii ay la gashay Soomaaliya; laakiin Soomaaliya ayaa laga rabaa inay dhiibto 12 balook oo la baarayo lana qodayo. Soma waa shirkad yar oo aan dhaqaale ahaan awoodin inay qabato shaqadaas. Sidaas awgeed waxay ku wareejinaysaa hawshaas shirkado awood leh dhinaca teknoolojiyada, dhaqaalaha , lehna khibrado hawlahaas lagu fuliyo. Wareejinta ayay ka faaiidaysaa oo “farm-out” sammaynaysaa. Lacagta ay ka sammaynayso ayaa balaayiin ka badan intii iyada ka gashay oo ay sheegato inay tahay 43 Milyan USD. Meeshaas waaye meesha laga rabo inay Soomaaliya ka digtoonaato. Soma Oil and Gas waxay isu diyaarisay July 2018 ka dib inay hawsha la wadaagto shirkado sida Total ama ONGC (Oil and Natural Gas Corporation Ltd of India) iyo Tullow Oil. Haddii Farm-in ama Farm-out sammaynayaan, waa in Capital Tax Gain fiican la dul saaraa, oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo hindistaa.

Sida iminka uu xaalku yahay, shirkadaha kale ee badda Soomaaliya xiisaynaya waxaa ka mid ah Liberty ama Petro Quest (Arizona, USA) oo rabta inay Dawladda Federaalka la gasho heshiis  Soo-saar Wadaag. Shirkadaha Total (France) iyo ENI (Talyaani) damac weyn ayaa ku jira inay Soomaaliya la galaan heshiisyo baaris iyo soo-saar shidaal.

Shirkadaha heshiiska la galo dowladda federaalka ah marka lag soo tago waxaa jira shirkado kale oo heshiis gaar ah la galay dowlad goboleedyada iyo Somaliland.

Si shirkadahaas loola falgalo, Soomaaliya waxay u baahan tahay Sharicyo iyo Xeerhoosaadyo is-waafaqsan, Qaab-heshiiseedka Wadaagga Soo-saarka oo isagana markiisa la jaan-qaadayo Sharciga Batroolka, Sharciga Cashuuraadka (oo aan weli jirin) iyo Sharciga Bii’ada (oo u baahan in la qoro). Sidaas awgeed, lama dhayalsan karo hawlaha loo baahan yahay inaan la qabanin oo lagu boodo heshiisyo ka soo gaaraya Soomaaliya khasaare sannado badan soo socota. Heshiisyada batroolka waa muddo dheer (long-term agreements) oo gaaraya 25 sano. Taxadir iyo habsami waa in hawlaha loo galaa, oo si-diyaarinta xoog badan la saaraa.

Goobjoog News,

Xogtan waxaa ay u gaar tahay Goobjoog News, lama qaadan karo xigasho la’aan

Si, Akhri Goobjoog News Iyo Qormooyin La Xiriira Shidaalka:

Ka Hor Shirka London, Wax Ka Ogow Soma Oil and Gas iyo Qandaraaska Shidaalka Soomaaliya

Wax Ka Ogow, Habraaca Ay Soomaaliya Ku soo Saari Karto Shidaal