U bood dhigaalka

Xoogga Dalka: 10 Daqiiqo Ka Yar Ayaa Lagu Soo Afjaray Weerarkii Balli-doogle

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarkii ay maanta Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidanka Danab iyo kuwo Maraykan ah ku leeyihiin deegaanka Ball-doogle ee gobolka Shabellaha Hoose.

Sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda, taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in wax ka yar 10 daqiiqo lagu soo afjaray weerarkaasi oo ku bilowday qaraxyo.

Waxa uu tilmaamay taliska, in Al-shabaab ay xoog badan soo geliyeen weerarkaasi,  balse ciidanka oo diyaarsan awgeed aanay ugu suurtagelin sidii ay wax u damacsanaayeen.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sheegtay in sidoo kale la wada dilay dhammaan xubnihii Al-shabaab ee weerarkan soo qaaday, balse lama sheegin tiradooda inta ay la egtahay.

Barqanimadii maanta ayeey Al-shabaab waxay weerar ku bilowday qaraxyo Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Labo gaari kusoo qaadeen xerada Balli-doogle ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maraykanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News