U bood dhigaalka

Xoogga Dalka oo Ka Hadlay Howlgallo Laga Fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in gobolka Shabeellaha hoose howlgal ay ka fuliyeen lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabab, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ururka 143-aad ee xoogga dalka.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka lagu dilay Abaandulihii  ahaana  madaxii Howgalinta  Al-Shabaab iyo Madaxii zakawaadka  ee gobolka Shabeellaha hoose.

Labada horjooge ayuu Taliye Axmed waxa uu Magacyadooda ku kala sheegay  Ciise tima weyne oo ku magac dheer Abuu dheere waxa uuna Al-Shabaab u qaabilsanaa Xilka Abaandullaha Howlgalinta  iyo  Qooreey oo Al-shabaab u qaabilsanaa zakawaadka gobolka.

Goobjoog News