U bood dhigaalka

Xoogga Dalka oo Sheegay in ay Sarkaal Shabab ah Lagu Dilay Jubbada Dhexe

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka  ayaa sheegay in howlgal laga fuliyey Jubada dhexe lagu dilay sarkaal ay sheegeen inuu ka tirsanaa Al-shabab iyo ilaalo la socotay, howlgaan ayaa ka dhacay sida la sheegay deegaanka Garabow oo 50km u jira Bu’aale.

Sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, ciidamada ayaa Sarkaalkan la dilay  waxaa ay ku sheegeen in  lagu magacaabayay Xasan Sufiyaan Qooreey waxaana uu ahaa sarkaalka guud ee al-shabaab u qaabilsan Jabhadaha sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada xoogga dalka,

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka hela  Mareykanka ayaa inta badan gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellada hoose waxaa ay ka fuliyaan howlgallo iyo dagaallo ka dhan ah Al-shabab.

Goobjoog News