U bood dhigaalka

Xoogga Dalka Oo Sheegaya Iney Hoggaamiye Ka Dileen Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Midowga Afrika ee AMISOM ayaa fiidnimadii hore ee xalay Duqeyn ku dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda  Al-Shabaab.

Duqeyntan oo ay Ciidammadu ka fuliyeen duleedka Koonfureed ee degmada Awdheegle ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay Ciidammada Xoogga Dalka ka war heleen inay goobtaas isku urursadeen Al-Shabaab ah oo doonayey iney weeraro  kusoo qaadaan degmada Awdheegle .

Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey Radio Muqdisho in duqeyntan lagu qaarijiyey ilaa 20 waxaana uu  ka mid ah ku xigeenka Horjoogaha Al-Shabaab Xasan Abshir Jabriil oo magaciisa afgarashada uu yahay (Xasan Jiiroow).

Horjooge Xasan Jiiroow oo caawa ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed soo af jareen waxa uu hogaaminayey weeraro dhowr ah oo ay Al-Shabaab horey ugu qaadeen deegaanno ay ka mid yihiin Janaale iyo Bariire oo gobolka Shabeelada Hoose ka tirsan.

Goobjoog News