U bood dhigaalka

Xoogga Dalka: Waxaan Soo Celinnay Xoolo Ay Al-shabaab Ka Dhaceen Shacab Ku Nool Gedo”

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno ku dhow degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Taliyaha Ururka 49-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka Maxamed Cali Cabdullaahi ayaa u sheegay warbaahinta in howlgalkaan ay ka sameeyeen deegaan 50-km u jira degmada Baardheer, kuna dileen dagaalyahanno Al-shabaab ah, sidoo kalena kusoo celiyeen xoolo ay horey dad shacab ah uga dhaceen.

“Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaan ku dilnay rag ka mid ah cadowga Al-shabaab, waxaan soo celinnay xoolo isugu jira ari iyo Geel oo ay shacabka xoolo dhaqatada ah horey uga dhaceen” ayuu yiri taliyaha.

Taliye Maxamed ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ku baacsanayaan Al-shabaab, inta dalka oo dhan laga saarayo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka Xarakada Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin hadalka kasoo yeeray taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo.

Goobjoog News