U bood dhigaalka

Xoolaha Oo Weli Dhex Socda Muqdisho, Labo Todobaad Ka Dib Amarkii Guddoomiye Yariisow

Sheeko:Dalka

Labo todobaad ka hor Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka mamnuucay xoolaha gudaha magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in si sharci darro ah loogu soo daayo waddooyinka Magaalada.

Wareegto ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho En. Yariisow ayaa digniin loogu jeeday dadka xoolaha leh kuna soo dhexdaaya waddooyinka haddii aysan ceshanna lala xisaabtami doono.

Lo’da ayaa ugu badan xoolaha dhex jooga gudaha Magaalada, waxaana l arkayaa iyada oo xilliyada qaar ay soo buux dhaafiso laamiyada .

Wareegtada xoolaha looga mamnuucay gudaha Magaalada ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir ay cabasho gobolka u gudbiyeen kuna saabsaneyd in xoolaha ay ka cunaan badeecadaha ay iibiyaan.

Sidoo kale dadka iibiya Khudaarta ayaa xoolaha ay saameeyeen waxayna ka cunaan Khudaarta waxayna dadka qaarkood u sheegeen Goobjoog News in weli ay ku dhib qabaan xoolaha gaar ahaan Lo’da.

Ganacsatada ayaa tilmaamay in amarkii ka soo baxay Maamulka gobolka banaadir uusan dhaqan gelin isla markaasna la dhaafay mudadii loo qabtay dadka xoolaha leh sida ay sheegeyso Faadumo Xasan .

“lo’da aad ayaan dhibaato ugu qabnaa khudaarta aan gadno xitaa waa ay naga daftaa waa ay cuntaa qof looga dacwoodana malahan oo la dhaho naga cesho xoolahaaga”.

Raxmo Axmed waxaa ay ka mid tahay ganacstada waxaa ay Goobjoog News uga warrantay dhibaatada ay ku qabto Lo’da lagu soo daayo laamiyada Muqdisho.

“Lo’da waxaa ay leedahay saameyn badan waxaa dhacda in adeega sida khudaarta ay kaa cunto “.

Labadii todobaad ee loo qabtay dadka iska xoolaha ayaa dhamaatay ilaa iyo haddana lama oga tallaabada xigta uu qaadayo maamulka gobolka Banaadir.

Goobjoog News