U bood dhigaalka

Xoolo Dhaqato Iyo Beeraley Ku Dagaallamay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobokla Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu dib uga bilowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyaad kala ah xoolo dhaqato iyo beeraley, kuwaasi oo ku dhaqan deegaanka Kulmis Yarey oo hoostagta degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Dad ku dhow halka dagaalka uu ka dhacay ayaa sheegay in ugu yaraan 2 qof ay ku dhaawacmeen dagaalkan, iyadoo khasaaraha uu intaasi ka badan karo.

Dagaalkan ayaa salka ku haya colaad maalmihii ugu dambeysay ka taagneyd deegaankan, taasi oo u dhaxeysay Labadan dhinac.

Maamulka degmada Balcad ayaa ka gaabsadan inuu ka hadlo dagaalkan, iyadoo gobolka Shabellaha dhexe ay kusoo noqnoqdeen dagaallada sidan oo kale ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News