U bood dhigaalka

Xoolo Dhaqato Ka Tagey Caabudwaaq Oo u Naqraacay Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Dad xoolo dhaqato ah una badan reer Guuraa kana tagey deegaanno hoostaga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa u naqraacay deegaanno ka tirsan gobolka Bari oo dhowaan roob uu ka da’ay.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays ayaa sheegay in habeen kahor ay gobolkaasi soo gaareen xoolo dhaqato kasoo barakacay abaaraha ka jira dalka, islamarkaana soo raadsaday deegaannada Puntland ee roobku uu ka da’ay.

Waxa uu sheegay in shacabkii kaga sii horreeyey deegaannada ay dadkani gaareen soo dhoweeyeen dadkaan, islamarkaana ay hadda yihiin kuwo dhul biyo ku hoorey degay.

“Qoysas badan oo kasoo hayaamay degmada Caabudwaaq ayaa soo gaarey gobolka Bari, gaar ahaan deegaannada dhowaan roobku ku hoorey, dadku wey soo dhoweeyeen sababtoo ah reer Puntland waxaa lagu yaqaanaa soo dhoweynta” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhowaan gobolka Bari waxaa sidan oo kale u gaarey xoolo dhaqato badan oo isaga kala yimid gobollda Sool, Sanaag, Mudug Nugaal iyo gobollo kale, kadib markii gobolkaasi roob badan uu ka da’ay.

Goobjoog News