U bood dhigaalka

Xubin Cusub Oo Jirka Aadanaha Ka Tirsan Oo La Daahrogay

Sheeko:Caafimaadka

Saynisyahanno ka tirsan Mac’hadkadka Garvan ee cilmi-baarista caafimaadka ee dalka Australia ayaa helay “xubin yar” oo ka tirsan jirka aadanaha oo aan horey loo aqoon, xubintani waxey mas’uul ka tahay la falgalka nidaamka difaaca jirka marka uu cudur ku soo laalaabto jirka.

Website-ka Science Alert ayaa sheegay in saynisyahannada xubintan cusub daahrogay ay ka heleen dusha sare ee Iymph nodes ee jiirka macmalka laga baaray. iyagoo isticmaalaya microscope laser ah, kaas oo suuraggal ay tahay in lagu qaado sawirro heer sare ah oo 3D. markii ay baaritaan ku sii sameeyeen xubintan jirka aadanahana wey ka heleen.

Xubintan cusub ayay u bixiyeen “subscapular proliferative foci” oo marka la soo gaabiyo noqoneysa (SPFs), taas oo habdhiska difaaca ku taageeraysa inuu xasuusto cudurkii horey u soomaray, saynisyahannadu waxey horey u ogaayeen in ay jiraan unugyo noocaas oo kale ah jirka aadanaha, laakiin halka uu ku yaallo ma aaney garaneyn, haddase arrintaasi wey u suuraggashay.

Mid ka mid ah cilmi-baarayaasha ayaa tilmaamaya, “Marka uu jirku bakteeriyo dilaa ah la dagaallamo muddo 20-30 daqiiqo, ilbiriqsi kastaa muhiimadeeda ayay leedahay. haddii aan si kale u dhigno, falcelinta habdhiska difaaca jirka haddii uu gaabis noqoto qofku wuu dhimanayaan, sidaa dartaad; qofku inuu tallaal helo waa muhiim si uu jirku ula sii qabsado oo uu u diyaar sanaado si marka uu mar labaad arko cudurkii uu uga hortago si dhakhsiyo badan.”

Cilmi-baaristan ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqaysa in xubintan cusubi ay ku taallo goob aad u wanaagsan si falcelinta difaca jirka uu u noqdo mid si degdeg badan cudurka u difaaca. marka marlabaad ay bakteeriyadii jirka soo weerarto waxa uu u baahan yahay inuu soo saaro Iymph nodes -kii loo baahaana si uu cudurka uga hortago.

Goobjoog News