U bood dhigaalka

Xubnaha Ka Socda Aqalka Sare Ee Ku Sugan Dhuusamareeb Oo La Kulmay Qeybaha Kal Duwan Ee Bulshada

Sheeko:Baarlamaanka

Wafdiga ka socda golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalintii Seddexaad ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulankaan ayaa intiis badn waxaa fursad ay ku hadlaan la siiyey xubnihii ay la kulmeen Senator-ada, iyaga oo soo bandhigay caqabadaha jira iyo xalka waxa uu yahay.

Dadkii hadlay qaarkood ayaa shaaciyey waxyaabaha ay u arkaan caqabadaha, marka loo eego dhanka Galmudug iyo dowladda dhexe.

Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo si kooban halkaasi hadal uga jeediyey ayaa sheegay in marnaba aan la qaadan karin kala tag guud oo ku yimaada Galmudug, balse wixii lagu kala aragti duwan yahay la isaga imaan karo.

Guddoomiyaha guddigan, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo isna hadlay ayaa sheegay in xilligan loo baahan yahay reer Galmudug iney ka tusaale qaataan dunidan horumaray ee isku duuban.

Sidoo kale waxa uu sheegay Qeybdiid in waxyaabaha ay halkaasi u tageen tahay in la ogaado tabashada reer Galmudug ee dhanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News