U bood dhigaalka

Xubno ka socda beesha caalamka iyo IGAD oo ku shiray Kismaayo

Sheeko:Dalka
Kismaayo
Kismaayo

Shir ballaaran oo ay ka qeyb galeen xubno ka kala soca beesha caalamka iyo urur goboleedka IGAD ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Xubnaha beesha caalamka iyo IGAD oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay dar-dar galin doonaan dib u heshiisiin ka dhacda Kismaayo.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay guddiga ka kala socda urur goboleedka IGAD iyo beesha caalamka ay la kulmaan beelaha ka qeyb galaya wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Mid kamid ah ka qeyb galayaasha shirkaasi oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Boolis ayaa tilmaamay in meel fiican ay marayaan dadaallada nabada looga raadinayo xasilinta deegaanada hoos yimaada maamulka KMG Jubba.

Kornel Barre Hiiraale ayaa dhamaadkii bishii hore ogolaaday in uu ka qeyb galo wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.