U bood dhigaalka

Xubno ka socda Itoobiya oo Hargeysa kula kulmay mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Somaliland (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland waxaa dhawaan gaaray wafdi balaaran oo ka socda dowladda Itoobiya, kuwaa oo la kulmay madaxda maamulka Somaliland.

Wafdigaan ka socday dowladda Itoobiya, waxaa hogaaminaayay wasiirka maaliyadda dowladdaasi, iyaga oo arimaha ugu muhiimsan ee halkaasi u tageen ay ka mid tahay ka wada hadalka wado dheer oo dhawaan la dhiso.

Wadadaan la doonayo in la dhiso ayaa la sheegayaa inay tahay mid isku xiri doonta magaalada Barbara si dekadaasi wixii laga soo dejiyo si toos ah loo gaarsiiyo Itoobiya.

Wafdigaan ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Somaliland kala hadli doonaa sidii halkaasi loo soo gaarsiin lahaa Korontada laga dhaliyo Wabiga Niil, lagana fikir doono sidii loo suurta gelin lahaa.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News