U bood dhigaalka

Xubno ka socda Qaramada Midoobay oo kormeeray goobaha ay Jowhar ka deganyihiin Barakacayaasha (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay ayaa maanta kormeer ku tagay xarumo magaalada Jowhar ay ka deganyihiin dadka Barakacayaasha ah ee dhawaan kasoo cararay fatahaad Wabiga Shabelle uu ka sameeyay deegaano ka mid ah gobalka Shabellaha Dhexe.

Saraakiishaan oo ka kala socda ilaa 7 Hay’adood oo Qaramada Midoobay ah ayaa shalay gaaray magaalada Jowhar, waxaana xalay ay ku hoydeen magaaladaasi, iyaga oo maanta bilaabay u kuur galidda xaaladaha ka jira magaaladaasi.

Gudoomiyaha magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe Maxamed Amiin Xaaji Caqiil, waxaana uu sheegay in saraakiishaan ay kala shireen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka dhiban.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay kulamo la qaateen qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana codsiga ugu muhiimsan ee ay dadkaasi jeediyeen ay ahayd sidii wax loogu qaban lahaa dadkii kasoo barakacay fatahaada wabiga Shabelle, in biyo la gaarsiiyo galbeedka magaalada Jowhar, iyo sidoo kale in xal loo keeno ka hortaga xilli walba Fatahaad uu sameeyo Wabiga.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News