U bood dhigaalka

Xubno Ka Socda Wasaaradda Beeraha DFS Iyo TIKA Oo Kormeeray Biyo Xireenka Sabuun, Jowhar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan la qaatay xubno ka socday wasaaradda beeraha xukuumadda Federaaka Soomaaliya iyo hay’adda TIKA.

Ulajeedka kulankan ayaa looga hadlayey sidii dayactir loogu sameyn lahaa biyo xireenka kanaalka Sabuun iyo mashruuca biyo xireenka Xawaadley.

Xubnahan ka socday wasaaradda beeraha iyo TIKA oo maanta tagay Jowhar ayaa waxay kormeer ku sameeyeen biyo xireenka Sabuun ee magaaladaasi, iyaga oo halkaasi qiimeyn ku sameeyay.

Xoghayaha joogatada ee wasaaradda beeraha, Maxamed Cali Ismaaciil oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Jowhar ay u tageen in hay’adda TIKA oo laga sugayo fulinta horumarinta beeraha iyo waraabka lasoo tuso meelaha shaqooyinka degdegga u baahan.

“Waxaan tagnay biyo xireenka Sabuun, waxaan fiirinay kanaalka biyaha geeya, meelahaasi ayaan sahminay iyadoo ay nala socdaan TIKA iyo Injineeradooda” ayuu yiri xoghayaha.

Dhanka kale, wasiirka wasaaradda beeraha ee maamulka Hirshabelle, Xasan Axmed Muudey oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashruucyadan dib loogu habeynayo Kanaalka Sabuun uu yahay mid aad u ballaaran oo looga bixi doono biyo la’aanta ka jirta wabiga Shabelle.

“Mashruucan waxaa looga bixi doonaa biyo la’aanta, waxaan u mahadcelineynaa dowladda Turkiga oo howlo adag ka hayso dalka, annaga waxaa guul inoo ah in mashruucan yahay midkii ugu ballaarnaa, annagane waxaan u ballanqaadnay in wixii karaankeenna ah aan ku saacidno” ayuu yiri wasiirka.

TIKA ayaa dowladda Soomaaliya la saxiixatay heshiis lagu horumarinayo beeraha iyo waraabka dalka, laguna bilaabayo Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News