U bood dhigaalka

Xubno Ka Socday IGAD Oo Gaaray Magaalada Baydhaba

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay waxaa maanta gaaray wufuud ka socotay urur gobaleedka IGAD, iyaga oo lagu soo dhaweeyay magaaladaasi.

Wafdigaan waxaa ka mid ahaa u qaabilsanaha Ururka IGAD ee xafiiska nabadeynta iyo wada hadalka Korneel Gabre iyo Jamaac Axmed Ibraahim oo xafiiska IGAD ee magaalada Muqdisho ka socday.

Xubanahaan ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ay ka wada hadleen arrimo ku aadan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.

Kulankaan oo albaabada u xirnaa ayaa saxaafadda waxaa si wadajir ah ula hadlay, Cabdullaahi Xaasji Xasan oo ka socday Hay’adda CRD, Jamaal Axmed Ibraahim oo IGAD matalayay iyo sidoo kale wasiirka arimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa ay sheegeen in xubanahaan ka socda IGAD ay uljeedka ugu weyn ee magaalada Baydhaba u tageen tahay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha lagu soo xulayo xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Waxa ay sheegeen waxgaradka ay la kulmeen inay u sheegeen in howsha ay tahay mid dhamaad ku dhaw, islamarkaana nidaamka IGAD aanu sheegeen in fara gelin lagu sameeyo howsha ay Odayaasha wataan.

Goobjoog News