U bood dhigaalka

Xubno Ka Socdey Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Qeybgalay Kormeer Lagu Sameenayey Doorasho Ka Dhacday Ghana

Sheeko:Dalka

Labo sarkaal oo ka tirsan guddiga doorashooyinka qaranka ee Soomaaliya ayaa kamid ahaa kormeerayaasha tagey Ghana si ay usoo indho indheeyaan oo ay wax uga soo bartaan doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Ulajeedka ay halkaasi u tageen ayaa ahayd sidii ay usoo qaadan lahaayeen cahasro xilli doorashada hadda ka socota dalka kadib ay Soomaaliya galeyso doorasho qof iyo cod ah, taas oo qorshaheedu yahay sanadka 2020-ka.

Saraakiishan ayaa tagey Ghana, waxayna kamid ahaayeen kooxo kormeerayaal ah oo ururkaa Midowga Afrika u direy Ghana, halkaasi oo dhowaan doorasho ay ka dhacday.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Qaran Sayid Cali Sheekh Maxamed iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabo Saciid Xaashi Warsame ayaa sheegay in wax weyn ay kasoo barteen doorashooyinkii ka dhacay Ghana.

Guddoomiye ku xigeenka oo la hadlay wargeys laga leeyahay Gaana ayaa sheegay in wax weyn ay ka faa’ideyn inta ay kormeerka ku hayeen doorashadaasi.

Dhinaca kale sarkaal u hadlay Midwoga Afrika ayaa sheegay in sababta saraakiishan ka socotay guddiga doorashooyinka ay ahayd sidii loo kobcin lahaa heerka waxqabadka shaqo ee guddigan.

Sanadka 2020-ka waxaa loo madalsan yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Goobjoog News