U bood dhigaalka

Xubno Ka Tirsan DDSI Oo Xilalkii Laga Qaaday

Sheeko:Dalka

Siddeed Xubnood oo ka tirsanaa guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa gabi ahaanba shaqada laga caayriyay waxaana laga qaaday xilalkii ay ka hayeen deegaanka.

Xubnahan shaqada laga Caayriyay ayaa waxaa ka mid ah Afhayeenkii baarlamkaanka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Maxamed Rashiid Isaaq, Khadar Cabdi Ismaaciil Wasiirkii ganacsiga ee DDSI iyo Jamaal Qolombi Wasiirkii caddaaladda DDSI.

Axmed Shide, guddoomiyaha xisbiga shacabka Soomaalida Itoobiya islamarkaana ah wasiirka isgaarsiinta ee dawladda federaalka Itoobiya ayaa sheegay in xorriyaddii iyo xuquul insaankii shacabka dhaawac badan loo gaystay.

Arrintan ayaa waxaa ay dabo taallaa isbedellada ka dhacay deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dib markii ay dhaceen kacdoonno looga dalbanayay in uu iscasilo Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdi Iley.

Goobjoog News