U bood dhigaalka

Xubno Ka Tirsanaa Al-shabaab Oo Isku Dhiibay Jubbaland

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa maanta degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose wuxuu kusoo bandhigay Laba nin oo la sheegay iney ka mid ahaayeen Xarakada Al-shabaab.

Laamaha ammaanka ayaa raggan magacyadooda ku kala sheegay, Cabdi Ciise Maxamed iyo Geedi Maxamed Cali, waxayna sheegeen in iyagu ay is soo dhiibeen, kadib xiriir ay lasoo sameeyeen saraakiishan.

Mid ka mid ah raggan ayaa watay qori nooca AK-47 ah, oo la sheegay inuu kala soo baxsaday dhanka Xarakada Al-shabaab.

Dhanka Al-shabaab, wax war ah kama aanay soo saarin in xubno iyaga ka mid ahaa ay dhanka Jubbaland usoo baxsadeen.

Goobjoog News