U bood dhigaalka

Xubno Uu Hoggaaminayo Ambassador Keating Oo Ku Biiray Shirka Baydhabo

Sheeko:Dalka

Wafdi ka socda Qaramada Madoobe oo uu horkacayo xoghayaha guud ee Soomaaliya u qaabilsan Danjire Michal Keating ayaa ku biiray maanta shirka Baydhabo ka soconaya ee ay leeyihiin madasha Wadatashiga Qaran.

Waxaa shirkan ka qeybgalaya maamul gobaleedyada Dalka iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaas oo qorshaha uu yahay inay isku waafaqaan doorashada sanadkani ka dhacaysa dalka.

Shirka waxaa maanta diiradda lagu saarayaa arrimaha ku saabsan doorashada, Odayaasha soo xulaya xildhibaannada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Amniga magaalada Baydhabo oo uu shirka ka soconayo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo la xadiyay isa socodka meelaha qaar ee magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News