U bood dhigaalka

Xudur: Dadkii Kasoo Barakacay Abaaraha Oo Gurmad u Baahan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in gurmad degdeg ah ay u baahan yihiin qoysas dhowr ah oo kasoo barakacay abaaraha ka jira gobolkaasi, kuwaa oo dhowaan soo gaarey degmada Xudur.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Xudur Aadan Cabdi Maxamed oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in qoysaskan soo gaaray degmada Xudur ay dhammaantood ahaayeen xoolo dhaqato, islamarkaana markii ay xoolihii ka dhammaadeen ay naftooda lasoo baxsadeen.

Waxa uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka in aanu jirin gurmad ay heleen dadkaan oo tiro ahaan gaaraya Boqolaal qoys waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa degmada Xudur ee gobolka Bakool soo gaarey Boqolaal qoys oo kasoo cararay abaaraha ka jira deegaanno ka mid ah gobolka, dadku waxay u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh, annagane ma awooddno in dhammaantooda aan qancinno” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka degmada Xudur.

Dhanka kale guddoomiye Aadan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka K/galbeed iyo hay’adaha samofalka ah in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan dadkan kasoo barakacay abaaraha ee ku sugan degmada Xudur.

Goobjoog News